Somaliland

Integrity Icon waa olole lagu maamuusayo shaqaalaha u heellan horumarinta bulshadooda. Waa dadka hawlkarka ah ee aan inta badan ishu qaban, balse u qalma in lagu maamuuso waxqabadkooda ay anaaniyaddu ka madhan tahay, dadka ay u adeegayaanna aan waxba ka hagran. Waa shakhsiyaadka laga yaabo in aanay muuqan, laakiin tiirka weyn u ah goobta ay ka hawlgalaan. Ololahani waxa uu dhiirrigelin u yahay shaqaalaha noocaas ah ee aan iyagu filayn in la aqoonsado dedaalkooda caadiga ka baxsan. Dhanka kale, waa olole lagu abuurayo haldoor bulsheed oo lagu daydo, lagagana daydo hawlkarnimada aan caajiska lahayn ee ay dadkaasi maalin kasta bulshadooda heeganka ugu yihiin. Sidoo kale waa olole kor u qaadaya kalsoonida ay bulshadu ku qabto adeegyada ay ka helaan goobaha danta guud.

Guuleystayaasha sannadkii hore waxa ka mid ah Dr. Siciid Axmed Xasan oo ah dhakhtar qalliin oo ka tirsan cisbitaalka guud ee Laascaanood iyo bare wax ka dhiga Jaamacadda Nugaal; Dr. Gudoon Aadan cabdi, oo ah Kormeere Caafimaad, Bare sarre, Dhiirigeliye, iyo mid ka mid ah guddiyada xudunta u ah Manhajka Midaynta ee Dugsiyada Caafimaadka Somaliland, sidoo kale na ah, dhakhtar ka hawlgala Cusbitaalka Guud ee Hargeysa; Xuseen Maxamed Cawed, oo ah maamulaha dugsiga Gawsaweyne ee degmada Garadag; Faysa Xuseen Kaahin oo ah macallimad wax ka dhigta dugsiga hoose dhexe ee Maxamed Cali ee Burco iyo Xasan Maxamed Heebaan oo ah maamulaha dugsiga sare ee Aadan Isaaq. Fadlan halkan taabo si aad u akhrisato xog ku saabsan guuleystayaasha sanadkii hore ee Integrity Icon Somaliland 2021.

Fadlan soo magacow shakhsi astaamahaas leh, adiga oo buuxbuuxinaya foomkan hoose.

Accountability Lab waxa ay heegan ugu jirtaa in ay soo saarto muwaaddiniin firfircoon  iyo hoggaamiyayaal lagu daydo, adduunka oo dhan. Waxa aannu tababarnaa, la  talinnaa, una taageernaa muwaaddiniinta haldoorka ah, si loo xoojiyo nidaamka isla xisaabtanka, korna loogu qaado dedaallada isbeddelka togan ee mid bulsho iyo mid  dhaqaaleba leh. Waxa aannu shaqadan soo bilownay sannadkii 2012, kana soo  shaqaynay waddamada Liberia, Nepal, Mali, Nigeria, Pakistan, South Africa, Zimbabwe,  Niger, Mexico, DRC iyo Somaliland. 

Waxa aannu hadda joognaa Somaliland, annaga oo kaashanayna ururka maxalliga ah  ee ISIR. ISIR waa urur madaxbannaan oo fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa, kana  shaqeeya cilmibaadhisyada bulshada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah. ISIR oo  ah hoggaanka ololahan “Integrity Icon Somaliland”, waxa aannu ka wada  shaqaynaynaa sidi loo dhiirrigelin lahaa shakhsiyaadka qarsoon ee tiirka adag u ah  bulshada reer Somaliland.  

About - Celebrate, Encourag and Connect Civil Servants | Integrity Icon
About - Celebrate, Encourag and Connect Civil Servants | Integrity Icon

Waxa jira muwaaddiniin tiro badan oo qabta in ka badan inta shaqadoodu tahay, balse  aan loo ogeyn. Dadkaasi waxa ay saa’id ku daraan wixii laga sugayay, iyaga oo aan  dan shakhsi ah ka lahayn waxqabadkooda. Sidaas darteed, waxa lamahuraan ah in la  dhiirrigeliyo dadka hormoodka ah ee ku suntan hawlkarnimada iyo dedaalka  dheeraadka ah ee ay u qabtaan bulshada.  

Waxa aannu dhiirrigelinnaa, magacawnaa oo maamusnaa dadka noocaas ah, kuwaas  oo aannu u aqoonsanno geesiyaal iyo hormood lagu daydo. Tani waxa ay abuurtaa in  la helo haldoorro lagu daydo iyo sidoo kale kalsoonida bulshadu ku qabto adeegga  shaqaalaha oo kor u kacda.  

Ujeeddada kale ee ololahan Integrity Icon waxa uu yahay in uu bulshada dhexdeeda ka  abuuro wadahadal togan oo lagu fahmayo macnaha weyn ee ay leedahay in la noqdo  shaqaale hawlkar ah oo lagu daydo. Waxa uu ololahani kor u soo qaadayaa doorka ay  

dadka caadiga ahi ugu jiraan korukaca kalsoonida bulshada iyo qiimaha ay leedahay in  la noqdo haldoor lagu daydo. 

2021 Winners

Xasan Maxamed Heebaan

Xuseen Maxamed Cawed

Faysa Xuseen Kaahin

Dr. Siciid Axmed Xasan

Dr. Gudoon Aadan Cabdi

Jadwalka Integrity Icon

  • March – June

    Magacaabida: Dadwaynaha ayaa magacaabaya shaqaale dan guud oo muujiyay hawlkarnimo mudan in lagu daydo isla markaana saamayn ku leh nolosha bulshada ay kudhex nool yihiin.

  • June – July

    Xulitaanka: Guddi heer sare ah oo kamid ah hoggaamiyeyaasha bulshada ee la ixtiraamo ayaa guulaystayaasha soo xuli doona.

  • August

    Samaynta muuqaalada gaagaaban: Hay’ad maxali ah oo warbaahinta qaabilsan ayaa samayn doonta muuqaalo ku saabsan guulaystayaasha oo shaqo maalmeedkooda qabanaya iyo iyaga oo ka hadlaya ahamiyada ay leedahay in qofku bulshadiisa si hawlkarnimo leh ugu adeego. Waxa kale ay Hay’adaasi tababar siin doontaa 5 qof oo xiisaynaya samaynta muuqaalada gaagaaban.

  • September

    Bandhiga muuqaalada gaagaaban iyo codaynta: muuqaalada laga sameeyay guulaystayaasha ayaa lagu soo baahin doonaa TV-ga qaranka, idaacada Radio Hargeisa, iyo baraha bulshada sida Facebooka, ama YouTube ka. Dadweynaha waxa lagu dhiiri gelin doonaa inay u codeeyaan shakhsiga waxqabadkiisu qanciyay, iyagoo adeegsanaya habka SMS ka, Whatsapp ka ama online ahaan.

  • Late September

    Waxaa dabayaaqada bisha September la qaban doonaa xaflada gabagabada ee lagu maamuusi doono guulaystayaasha ololaha Integrity Icon Somaliland ee sanaddka 2022.

SUPPORT OUR CAMPAIGN FOR CHANGE:

Our goal is to build a broad movement of people recognising and acknowledging ethics and integrity in the public service. To make this possible, we need you. Support us in one or more of the following ways:

  • Spread our Message

    Help us to raise awareness about the Integrity Icons campaign and its importance for promoting service excellence and turning the tide on corruption and misconduct in the public service. Share stories about our Icons and the campaign; host an engagement with one of our Icons; or profile a public servant you believe epitomises integrity and service excellence.

  • Submit a Nomination

    To name the 2021 cohort of Integrity Icons, we need you to help us identify them. Run a nomination drive at your workplace and in your community. Submit as many nominations as you would like, showcasing how your nominee goes over and above the call of duty to be a model of ethics and integrity in the public service.

  • Sponsor the Awards

    It takes a lot of capacity and resources to run a national campaign, profiling and acknowledging excellence in the public service, and amplifying the importance of doing the right thing. Back our campaign with a donation; support our Film Fellowship; contribute an insert or airtime on your publication, channel or station; or sponsor our awards ceremony.