Somaliland
Olalaha Halyeeyada Maamul Wanaagu waa olole lagu maamuusayo shaqaalaha u heellan horumarinta bulshadooda. Waa dadka hawlkarka ah ee aan inta badan ishu qaban, balse u qalma in lagu maamuuso waxqabadkooda tayoda leh, dadka ay u adeegayaanna aan waxba ka hagran. Ololaha waa olole lagu horumarinayo doorka muwaadiniinta firfircoon, laguna dhiirrigelinayo ka-qaybgalka bulshadu ku leedahay horumarinta dawlad wanaagga. Ololaha waxa kale oo uu xooga saarayaa kobcinta jiil dhalinyaro ah oo leh qiyam sare, daacadnimo, iyo anshax suuban, kuwaas oo si hufan u guta waajibaadkooda shaqo iyo bulsho. Waxaannu hiigsanaynaa inaan daabacno sheekooyin dhiirigelin leh oo ka tarjumaya dadaalka ay sameeyaan hawl-wadeennada bulshada iyo isbedel-doonayaasha ka shaqeynaya horumarinta maamul wanaagga, si ay tusaale ugu noqdaan kuwa kale.
Guuleystayaasha sannadkii 1aad waxa ka mid ah: Dr. Siciid Axmed Xasan (oo ah dhakhtar qalliin oo ka tirsan cisbitaalka guud ee Laascaanood), Dr. Gudoon Aadan Cabdi (oo ah Kormeere Caafimaad, Bare sarre, Dhiirigeliye), Xuseen Maxamed Cawed (oo ah maamulaha dugsiga Gawsaweyne ee degmada Garadag), Faysa Xuseen Kaahin (oo ah macallimad wax ka dhigta dugsiga hoose dhexe ee Maxamed Cali ee Burco), iyo Xasan Maxamed Heebaan (oo ah maamulaha dugsiga sare ee Aadan Isaaq).
Guuleystayaasha sannadkii 2aad waxa ka mid ah: Cabdillahi Cisman Jamac (oo ah maamule iyo macallin dugsiga Go’da weyn), Khadra Cabdi Keyse (oo ah u dhaqdhaqaaqe dadka tacadiyadu ku dhacaan), Cisman Cali Xassan (oo ah Macalin iyo u dhaqaaqe arrimaha Bulshada), Canab Maxamed Ismacil (oo ah Shaqaale caafimad 31 sanno ee Guryosamo MCH), iyo Haboon Abdiraxman Xuseen (oo ah U dhaqdhaqaaqe haweenka iyo bulshada inteeda tabaalaysan)
Shekooyinka Guleystaayasha/Halyeeyada oo faahfaahsan waxad ka heli kartaa page ka xagiisa hoose.
Magacow shaksi aad is lledahay waxa ay ku suntanyihiin astaamaha daacadnimo iyo maamul wanaag. Fadlan buuxi foomkan hoose. 👇🏼
Accountability Lab waxa ay heegan ugu jirtaa in ay soo saarto muwaaddiniin firfircoon iyo hoggaamiyayaal lagu daydo, adduunka oo dhan. Waxa aannu tababarnaa, la talinnaa, una taageernaa muwaaddiniinta haldoorka ah, si loo xoojiyo nidaamka isla xisaabtanka, korna loogu qaado dedaallada isbeddelka togan ee mid bulsho iyo mid dhaqaaleba leh. Waxa aannu shaqadan soo bilownay sannadkii 2012, kana soo shaqaynay waddamada Liberia, Nepal, Mali, Nigeria, Pakistan, South Africa, Zimbabwe, Niger, Mexico, DRC iyo Somaliland.
Waxa aannu hadda joognaa Somaliland, annaga oo kaashanayna ururka maxalliga ah ee ISIR. ISIR waa urur madaxbannaan oo fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa, kana shaqeeya cilmibaadhisyada bulshada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah. ISIR oo ah hoggaanka ololahan “Integrity Icon Somaliland”, waxa aannu ka wada shaqaynaynaa sidi loo dhiirrigelin lahaa shakhsiyaadka qarsoon ee tiirka adag u ah bulshada reer Somaliland.


Waxa jira muwaaddiniin tiro badan oo qabta in ka badan inta shaqadoodu tahay, balse aan loo ogeyn. Dadkaasi waxa ay saa’id ku daraan wixii laga sugayay, iyaga oo aan dan shakhsi ah ka lahayn waxqabadkooda. Sidaas darteed, waxa lamahuraan ah in la dhiirrigeliyo dadka hormoodka ah ee ku suntan hawlkarnimada iyo dedaalka dheeraadka ah ee ay u qabtaan bulshada.
Waxa aannu dhiirrigelinnaa, magacawnaa oo maamusnaa dadka noocaas ah, kuwaas oo aannu u aqoonsanno geesiyaal iyo hormood lagu daydo. Tani waxa ay abuurtaa in la helo haldoorro lagu daydo iyo sidoo kale kalsoonida bulshadu ku qabto adeegga shaqaalaha oo kor u kacda.
Ujeeddada kale ee ololahan Integrity Icon waxa uu yahay in uu bulshada dhexdeeda ka abuuro wadahadal togan oo lagu fahmayo macnaha weyn ee ay leedahay in la noqdo shaqaale hawlkar ah oo lagu daydo. Waxa uu ololahani kor u soo qaadayaa doorka ay
dadka caadiga ahi ugu jiraan korukaca kalsoonida bulshada iyo qiimaha ay leedahay in la noqdo haldoor lagu daydo.
2021 Winners
Xasan Maxamed Heebaan
Xuseen Maxamed Cawed
Faysa Xuseen Kaahin
Dr. Siciid Axmed Xasan
Dr. Gudoon Aadan Cabdi
JADWALKA INTEGRITY ICON
SUPPORT OUR CAMPAIGN FOR CHANGE:
Our goal is to build a broad movement of people recognising and acknowledging ethics and integrity in the public service. To make this possible, we need you. Support us in one or more of the following ways: