Xasan Maxamed Heebaan waa maamulaha dugsiga saree e Aadan Isaaq. Dugsiga saree Aadan Isaaq waa dugsiga ugu weyn, uguna ardayda badan dugsiyada Boorama. Waa dugsi tusaale u ah dhamaanba dugsiyada gobolka Awdal, iyo guud ahaan ba Somaliland. Muddane Heebaan waxa uu ka shaqaynayey dugsigaasi ilaa iyo 2016-kii, oo uu ahaa maamulaha dugsiga. Muddadaasi, Maamule Heebaan waxa uu ku guuleystay in uu wax weyn ka bedello dugsigaasi.
Waxa uu amaah usoo qaatay si uu ugu dhiso rug baadhista sayniska ah ( science lab). Laakiin markii uu yimid COVID-19 ku, dugsigii waa uu xidhmay, macalimiintii iyo maamulkiina waxa ay noqdeen bilaa mushaharro. Xasan waxa uu awoodi waayay in uu bixiyo amaahdii, waxa na uu go’aansaday in uu iibiyo gaadhigiisii si uu ugu bixiyo deynta. Hadda, Dugsiga Aadan Isaaq waxa uu leeyahay rug baadhis oo casriya, waana ka ugu wanaagsan ee ku yaala Boorama.
Sidoo kale, waxa uu u dhisay qol-nasasho u gaar ah hablaha, waxa uu ku beeray dhir badan dugsiga. Xasan waxa uu sameeyay horumarin dhanka tayada waxbarashada dugsiga, isagoo sidoo kalena hirgeliyay deegaan bedqab leh oo ku habboon waxbarasho. Muddane Heebaan waxa uu haystaa laba shahaado oo heerka labaad ah, mid uu ku haysto maamulka manaahiijta, iyo Barista, shahaadada labaad oo uu ku diyaariyey Cilmibaadhista iyo Lafagurista Xogaha, oo uu ka qaatay Jaamacadda Cammuud ee Boorama. Muddane Heebaan waxa uu sidoo kale barre sare ka yahay Jaamacaddaha Cammuud, Eelo, iyo TimaCadde.