Dr. Gudoon waxa ay ku dhalatay xero qaxooti oo ku taala waddanka Itoobiya, waxa na ay ku soo barbaartay Somaliland. Tacliinteeddii hoose waxa ay kusoo qaadatay Dugsiga Sheekh Madar sanaddii 1994. Dr. Gudoon waxa ay ku dhamaysatay waxbarashadeedii sare Dugsiyada Faarax Oomaar iyo Ileys. Iyadu waa dhakhtarad ku haysata shahaadada Diploma ee heerka labaad, cilmiga cudurrada haweenka, dhalmada iyo bedqabka dhalaanka. Dr. Gudoon waa dhakhtarada keliya ee ka hawlgasha labada waxood ee ugu mashquulka badan; waaxda cudurrada haweenka/dhalmada, iyo waaxda daryeelka gaarka ah ee umusha.
Dr. Gudoon waxa ay door weyn ka qaadatay dhismaha Rugta daryeelka caafimaadka ee Biyoshiinaha, iyadoo si iskeed ah ugu adeegaysay goobaha aan lahayn addeegyo caafimaad. Dr. Gudoon waxa ay imika rejaynaysaa in ay si mutadawacnimo ah uga shaqayso, qayb ahaan wakhtigeeda, cisbitaalka Salaxlley. Iyadu waa ay u han weyn tahay shaqada ay u hayso hooyooyinka la tacaalaya noloshooda iyo ta dhallaankooda. Mar walba waxa ay shaqaysaa saacado dheeri ah, mar walbana waa ay dhiirigelisaa bukaankeeda.
Dr Gudoon waa kormeere caafimaad, barre jaamacaddeed, dhiirigeliye nololeed, iyo xubin ka mid ah Guddida Qaran ee Midaynta Manhajka Dugsiyadda Caafimaadka. Waxa ay dhiirigelisay in badan oo ka mid ah mihnadleyaasha caafimaadka ee gobolada kala duwan ee Somaliland. Dr. Gudoon waxa ay sidoo kale shahaadooyin tababarro ku haysataa Bedqabka Taranka iyo Qaangaadhka, iyadoo ku tababartay ka hortegga u gudbinta xannuunka AIDS ka iyo qorsheynta qoyska, in badan oo ka mid ah mihnadleyaasha caafimaadka tobankii sanno ee u danbeeyay. Dr. Gudoon waxa ay sidoo kale shahaadada Diploma ku haysataa hogaaminta iyo maamulka ee caafimaadka. Waxa ay soo qabatay xilka Maamulihii ugu horeeyay ee Guddiga Qaran ee Mihnadleyaasha Caafimaadka. Ugu danbeyntii, Dr. Gudoon waa xaas iyo hooyo dhashay 6 caruur ah.